Hanti dhowrihii Guu ee Qaranka ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis ay ku sameyeen Golaha wasiirada oo caawa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Isagoo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay in xil ka qaadista kasoo yeertay Golaha Wasiirada ay sharci darro, iyaduna aanay xilka u magacaabin, kana qaadi karin. Wuxuu ku adkeystay in Baarlamaanka kaliya uu xilka ka qaadi karo.
Nuur Faarax Jimcaale oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa hore ugu dooday inuu ku yimid kala xulasho dheer oo aqoontiisa lagu qaatay, kana madax bannaan yahay awoodda fulinta.
Arrintan ayaa loo arkaa inay ka mid tahay caqabadaha soo wajahaya dowladda cusub oo la sugayo sidii ay uga guuleysan lahayd.
Wadani.com
DEGDEG: Golaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Hanti dhowraha guud Nuur Faarax
AKHRISO: Shanta Qodob ee xilka looga xayuubiyay Hanti-dhowrka & Xasaanadii oo laga qaaday