Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Hanti-dhowrka Guud oo soo saaray Amar cusub oo ku socda Hay’adaha Dowladda ee galay Heshiisyada

    Hanti-dhowrka Guud oo soo saaray Amar cusub oo ku socda Hay’adaha Dowladda ee galay Heshiisyada

    September 2, 2021Updated:September 2, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda hay’adaha dowladda Federaalka ee galay heshiisyada quseeya hantida umadda.

    Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowarka ayaa looga dalbaday in muddo hal bil gudaheed oo ku eg 02/10/2021 ay ku diiwaan geliyaan heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha.

    HOOS KA AKHRISO QORALKA HANTI-DHOWRKA


    The Federal Government of Somalia

    Office of the Auditor-General Tixraac: XHG/HG-150/2021

    Tr: 02/02/2011

    Ku: Dhammaan Hay’adaha Dowladda. -Muqdisho
    Og: Ra’iisal Wasaaraha XFS -Muqdisho
    Og: Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS -Muqdisho
    Og: Madaxweynaha JFS -Muqdisho

    Ujeeddo: Diiwaan Gelin Heshiisyada La Xiriira Hantida (Dhulalka iyo Guryaha) Dowladda ee La Kireeyay

    Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansansanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu bekhaansan uguna waxtarka fiican.

    Xafiiska Hantidhawrka Guud oo ka taxaddaraya in si khaldan loo maamulo ama dano gaar ah looga faa’iidaysto hantida ummadda, sidoo kalana iyadoo la tixrancayo Qodobka 43and (2) ce Dastuurka Ku-meel-gaarka (KMG) JFS, Qodobka 114 (1) xarafka (J) iyo Qodobka 50-nd (1) Xarfaha (b & t) ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Sharci Lr. 17, ce 25/12/2019) iyo Qodobka 8am ee Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud (sharci Ir. 34 ce 14/04/1972) oo ka hadlaya maamulka hantida ummadda iyo diiwaan gelinta heshiisyada ayaa waxa uu dhammaan hay’adaha Dowladda lala socodsiinayaa in:

    1. Muddo hal bil gudaheeda ah oo ku eg 02/10/2021 lagu soo diiwaan geliyo dhammaan
    heshiisyada la xiriira maamulka hantida ummadda, gaar ahaan dhulalka iyo guryaha;

    2. In dhammaan hay’adaha Dowladda ay arrinkan u qaataan in lagu saxayo nidaamka
    Dowliga ah sidoo kalana lagu ilaalinayo hantida ummadda;

    3. In dhammaan ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee heshiisyada dhulalka
    iyo guryaha la xiriira la galay hay’adaha Dowladda ay hay’adaha ka dalbadaan in ay la wadaagaan/siiyaan nuqullada heshiisyada ka diiwaan gashan Xafiiska Hantidhawrka Guud si hawsha dhex martay muwaadinka qofka iyo hay’adda ay u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan sharciga:

    Xafiiska Hantidhawrka waxaa uu hay’adaha Dowladda kula talinayaa in ay u hoggaansamaan dhammaan shuruucda dalka, sidoo kalana ay heshiisyada ku soo diiwaan geliyaan muddada sare ku cayiman, iyadoo hawlwadeennada iyo mas’uuliyiinta hay’adaha ay imaan karaan xarunta Xafiiska Hantidhawrka Guud ama heshiisyada ay ku soo diri karaan ciwaanka (email) Xafiiska Hantidhawrka Guud oo ah [email protected] si loo diiwaan geliyo.

    Heshiisyada ay hay’adaha Dowladda galeen ee la xiriira dhulalka iyo guryaha Dowladda oo aan laga soo diiwaan gelin Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waa kuwa aan waafaqsanayn sharciga iyadoo Xafiiska uu baaris ku samayn doono sidoo kalena uu ka qaadi doono tallaabada sharciga ee ku habboon.

    Md. Muxamed Maxamud Cali
    Hantidhawraha Guud

    Amar Dowladda Federaalka Hanti dhowrka guud Heshiisyada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ka jira in Ikraan Tahliil ay u gacan gashay Alshabaab..? (Xog laga helay NISA & Jawaabta Hooyadeed)
    Next Article Hay’adda NISA oo shaacisay inay Alshabaab dileen Ikraan Tahliil iyo Warbixin Tacsi wadata oo ay dirtay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo