Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»HANTI DHOWRKU: Ma hanti Qaran ayuu dhowrayaa Mise hanti ayuu naga sameynayaa? [Faallo xasaasi ah]

    HANTI DHOWRKU: Ma hanti Qaran ayuu dhowrayaa Mise hanti ayuu naga sameynayaa? [Faallo xasaasi ah]

    March 10, 2017Updated:March 10, 20174 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax wuxuu ka mid yahay madaxda hay’adaha waaweyn ee dalka ka jira, waxaana had iyo jeer la maqlaa isagoo ka hadlaya musuq iyo is daba marin dhacay ama sharci darro ku tilmaamaya tallaabo hay’adaha dowladda qaadeen.

    Dr. Nuur ma jirto cid xilka ka qaadi karta sida uu aaminsan yahay, mana laha waqti uu dhacayo, maxaa yeelay wuxuu ku yimid rabitaanka beesha caalamka, waxaana lagu soo xulay geedi socod si madax bannaan lagu shaqaaleeyay oo laga soo dhex xulay tobanaan qof. Ka sokow inuu dhalasho Mareykan ah heysto, waxaa laga soo xigtay inuu saaxiib la yahay madaxweynaha cusub ee Farmaajo.

    Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku farxay in xafiiska Hanti dhowrka uu shaqo galo, isla markaana  aqoonyahan Dr. Nuur oo kale ah uu ka howlgalo, waxaase la yaab leh in qeylo dhaan kasta oo Hanti dhowrka ka timaada ay ku dhammaatay meel eber ah.

    AKHRI TUSAALOOYINKAN 

    • Hanti dhowrka wuxuu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay intii ay xilka heysay xukuumadii C/weli Sheekh Axmed in 19 wasaaradood oo lagu helay musuqmaasuq ay tan ugu yar lunsatay lacag ka badan Nus Milyan Doolar, waxayna Hanti Dhowrka iyo Xeer Ilaaliyaha Feylal waaweyn la tageen Baarlamaanka. Arrintan lama oga meel ay ku dambeysay. (Akhri warka)

    • Hanti dhowrka guud wuxuu sharci darro ku tilmaamay Canshuurta Guryaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadayay dadka Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, laakiin muddo kadib waxaa la arkay isagoo ka qeyb galaya xaflad maamulka Gobolka Banaadir ku dhagax dhigay dhismaha Wadadda Wadnaha oo dhismaheeda lagu bilaabay lacagtii canshuurta ahayd ee uu sharci darrada ku tilmaamay. (Akhri) ama (Akhriso halkan)
    • 7 ka mida shaqaalaha xafiiska hanti dhowrka ayuu ku eedeeyay inay laaluush ka qaateen wasaaradihii ay baarayeen, shaqadiina uu ka eryay. Laakiin shaqaalaha xafiiska ayaa ku eedeeaya inay qaati ka joogaan hanti dhowrka oo aanu shaqada aqoon u lahayn, isla markaana yahay nin yaqaana IT.
    • Hanti dhowrka guud wuxuu sheegay madaxtooyada loo diiday inuu galo, laguna weeraray, isla markaana lagu dili lahaa. (Akhri)
    • Dhowaan wuxuu sheegay qeylo dhaan ka soo saaray hanti dhowrka miisaaniyad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag dhan 110 Milyan Doolar, oo aan weli la xisaab xiran miisaaniyaddii 2015 iyo 2016. waxaa la is weydinayaa halka uu ku maqnaa labadii sano ee la soo dhaafay. (Akhriso)
    • Waxaa dad badan la yaab ku noqotay markii hanti dhowrku soo saaray qoraal uu ku difaacay sidii Guddooomiyihii hore ee Gobolka Banaadir u maamulay dhulka. [Akhri]
    • Mar wuxuu hanti dhowrku Nuur Jimcaale sheegay in heshiis aanu isagu diiwaangelin uu yahay sharci darro, isagoo markaas ka hadlayay shirkadaha dalka ka howlgala. (Akhriso)
    • Hanti dhowrka wuxuu marar badan ka soo saaraa qeylo dhaan heshiisyo iyo lacago ay dadka ka qaadaan hay’adaha dowladda Federaalka kadibna waxaa la arkaa isagoo la macaamilaya.
    • Warkii ugu danbeeyay ee hanti dhowrka kasoo yeeray ayaa ahaa in la jabsaday xafiiskiisii, isla markaana lagala baxay qalab iyo dokumentiyo muhiim ah. Waxaa la is weydiinayaa cidda falkaasi geysatay, iyadoo la ogyahay in xafiiska Hanti dhowrka uu guri ahaa u degan yahay hanti dhowraha laftiisa.??

    Arrimahan oo dhan waxay shaki badan gelinayaan habka shaqo ee hanti dhowrka guud oo dadka qaarkii ay u arkaan nin ku shaqeysta xilka uu ku magacaaban yahay ama haddii  si kale loo yiraahdo inuu shaqadiisa u adeegsado si uu madaxda xafiisyada kale handado kadibna xaaladda qaboojiyo is afgarad kadib.

    Hanti dhowre Dr. Nuur Jimcaale wuxuu hayaa warbixinta dhammaan hantidii Qaran ee dowladii hore ay iibisay, waxaana hortiisa lagu bixiyay hanti badan oo Qaranku lahaa, taasoo ay qaateen shaqsiyaad, iyadoo aan mar qura la maqlin isagoo ka hadlaya..!

    Gabagabadii waxaan ku soo xirayaa qisad soo socota:

    W/Qoray Xassan Moalim
    Wadani.com

    Hanri dhowrka guud hanti dhowrka Nuur Jimcaale Faarax Top Villa Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleImisaa la dilay Doorashadi Madaxweyne Farmaajo kadib..? [Akhriso Liis Alshabaab shaacisay]
    Next Article Fal toogasho ah oo Maqribnimadii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo