Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya hortegay kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ku xadgudbay awoodiisa ayaa iska difaacay eedo ay u soo jeediyeen qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna shaaaca ka qaaday arrimo badan ku saabsan musuqmaasuq baahay oo ka dhex jira dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha oo ka jawaabayay sababta uu socdaalka uga mamnuucay xubnaha Golaha wasiirada ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen ilaa 19 wasaarood ayna u soo baxday in wasaaradda ugu musuqmaasuq yar ay lunsatay lacag aan ka yareyn Nus Milyan Doolar ($500,000), wuxuuna intaas raaciyay in baaritaankooda soo gabagabeyn doonaan isla markaana ay maxkamad geyn doonaan wasiirada iyo xubnaha kale ee ku lugta leh musuqmaasuqa.
Xeer ilaaliyaha oo su’aalo adag qaarkoodka uu si fiican uga jawaabi waayay uga yimaadeen xildhibaannada ayaa si cad ugu hor sheegtay inuu hayo warbixinta wasaaradahaas la baaray oo miiska u saarnaa, wuxuuna balan qaaday xildhibaankii ugu taga xafiiskiisa inuu siin doono, isagoo ku adkeystay inay hoos yimaadaan isaga dhammaan hay’adaha baarista ee dowladda.
Musuqmaasuqa baahay ee dowladda Soomaaliya ka dhex jira ayaa hore hay’ado shisheeye ay tilmaami jireen, kana soo saari jireen warbixino laga naxo, laakiin waxaa hadda ku soo biiray xeer ilaalinta oo ka sokow warbixin laga sugayo inay tallaabo ka qaado mas’uuliyiinta la soo eedeeyay, haddii kale waxay noqon doontaa war saxaafadda ku kooban oo aan waxba ka duwaneyn kuwii dibaddaha laga soo saari jiray.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]