Toddobaad tashiyo aan kala go’ lahayn iyo kala xulasho shaqsiyaad ay soo diyaariyeen saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib ayaa wararka ku dhowdhow Madaxtooyada Soomaaliya ay ku waramayaan in shaqsiga loo magacaabo jagada Ra’iisal wasaaraha uu miiska saaran yahay, laga sugayo inuu madaxweynaha ku dhawaaqo oo hadda ku jira la-tashiyadii ugu danbeeyay.
Saacadihii ugu danbeeyay waxaa isu soo haray laba musharax oo kala ah:
1. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
2. Xuseen Cabdi Xalane
Mas’uulka hore oo hadda Soomaaliya safiir uga ah dalka Mareykanka waxaa taageero weyn uu ka heystay qaar kamida kooxda madaxweynaha ku xeeran iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna wararku sheegayaan in beesha caalamka latashiyadii lala yeeshay uu ahaa qofkii ugu dhowaa ee ay sheegeen inay aqoon u leeyihiin liiskii uu ula tegay Faarax Sheekh C/qaadir.
Wasiirka Maaliyadda ee xiligan Xuseen Cabdi Xalane waxaa si weyn u taageersan saaxiibka ugu weyn madaxweynaha Faarax Sheekh C/qaadir oo ku adkeystay magacaabiddiisa, kana horjeestay cid kasta oo ka soo hartay, isagoo weliba kala dooransiiyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu siyaasadda isaga baxo ama wasiir Xalane loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha.
Doodii ugu cusleyd ee go’aan qaadashada jagadan oo maanta dhacday ayay xogta ay Goobjooge.com heleyso sheegeysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu la xiriiray Cumar C/rashiid oo la filayay inuu Muqdisho u soo safro kuna wargeliyay inuusan soo socdaalin ilaa amar danbe, taasoo loo fasirtay in rajadii safiirka ay halkaas ku dhammaatay, madaxweynuhuna qaatay inuu xilkaas u magacaabo Xuseen Cabdi Xalane.
Dhinaca kale wararka aanu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhalatay dabaaldeg rasaas badan la riday oo maanta ka dhacday magaaladaasi, kadib markii suuqa la geliyay war ku saabsan in Ra’iisal wasaare loo magacaabay Xuseen Cabdi Xalane.
Qaar ka mida mas’uuliyiinta dowladda ayaa Goobjooge.com u sheegay in magacaabidda Xuseen Cabdi Xalane ay dhacday oo qoraalkeedii la diyaaariyay, lana sugayo qancin saaxiibo kala duwan iyo magacaabidda uu ku dhawaaqayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]