Weriyaha caanka ah ee Harun Macruuf ee ka howlaha idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa sheegay in saddex sababood ay ciidamada Itoobiya uga baxayaan Soomaaliya.
Weriyaha ayaa bartiisa soo dhigay in sababaha ay Itoobiya ciidamadeeda ugala baxeyso gobollada Soomaaliya ay kala yihiin:
- Inay xoogga saarto wax ka qabashada kacdoonka ka dilaacay dalkeeda kadib markii xaalad degdeg lagu soo rogay Itoobiya oo soconeysa muddo 6 bilood ah.
- Inay cadaadis saarto hogaamiyayaasha Soomaalida xilligan Doorashada lagu jiro si ay saameyn ugu yeelato madaxda cusub ee Soomaalida.
- Inay yareyso dhaqaalaha uga baxa ciidamada kumanaanka ah ee Soomaaliya ka jooga kuwaasoo ay ka tirsaneyn AMISOM, iyadoo la og yahay in deeq bixiyeyaasha ay yareeyeen dhaqaalihii ay siinayeen ciidamada AMISOM.
Dad badan ayaa aaminsan in xiisadaha ka jira dalka Itoobiya iyo kacdoonka ay dalkaasi ka wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ay keeneen dib u gurashada ciidamada Itoobiya oo ka baxay degaano muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, lana filayo inay sidoo kale ka baxaan saldhigyadoodii gobollada Bakool iyo Gedo.
Wadani.com