Haweneey ganacsato ah oo lagu magacaabo Ayaan Bedel Cilmi ayaa ku eedeysay wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaalya iyo agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya inay ka dhaceen lacag ay ku lahayd, ayna u adeegsadeen awood dowladnimo.
Haweeeyday oo ah Milkiilaha Ayan Hotel & Restaurant ee magaalada Muqdisho ayaa sida wax u dhaceen la wadaagtay warbaahinta Muqdisho iyadoo cabashadeeda u jeedisay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada iyo Garsoorka.
Ayaan Cilni waxay sheegtay in Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada dowladda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Oomaar uu Hoteelkeedaa soo dejiyay 8 qof oo muddo 3 bilood ah ay siineysay adeeg isugu jira jiif, cunto kaarar iyo service-yo, balse markii ay muddo bil ah u dhammaatay uu telefoonka ka qaban waayey wasiir Oomaar, kadibna qeylo dhaan ay dad kala duwan u martay kula soo xiriiray.
Waxay intaas ku dartay in 8 qof oo rag ah Hoteelkeeda la dejiyey Bishii Oktobar, iyadoo bishii Novembar qeylo dhaan kadib uu Wasiir Oomaar u sheegay inuu u imaanayo, kadibna u soo diray agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya C/llaahi C/kariin (C/llaahi Sijuu), una keenay muddo kadib lacag dhan 3000 Dollar, kadibna uu waqti kale qabsaday si loo bixiyo lacagtii harsaneyd oo dhammeyd $13,255.
Ayaan Bedel waxay Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada C/llaahi Sijuu uu mar kale dib ugu soo laabtay, isagoo u sheegay inuu siinayo lacag dhan 7000$ ayna ka tanaasusho lacagtii kale oo dhan si shuruud la’aan ah, markii ay arrintaas qaadan weydayna uu la laabtay lacagtii, kadibna ula yimid laba gaari oo ciidamada NISA la socdaan Hotelkiina si awood ah uga kaxeystay raggii 8-da ahaa, arrintaas oo dhacday 12-kii Janaayo 2020.
“Rag Soomaaliyeed oo xiran dareyska ciidanka ayaa i boobay, waxay isticmaaleen hantideyda, waxayna ku darsadeen awood..nabadsugid ayaa la ii keensaday, raggii hantideyda cunayna waa la kaxeystay, waxaana la iiga soo duulay Madaxtooyada.. Shaatiga Qaranka ma aha in lagu dhaco inta tabarta yar oo lagu boobo dadka aan madaxtooyada geli karin…” ayay tiri Milkiilaha Hotel Ayaan oo sheegatay inaysan Madaxtooyada kasoo jawaabin codsigi ay u dirtay.
Ayaan Bedel Cilmi ayaa sheegtay in Raggii xoolaheeda qabay ee agaasime ku xigeenka Madaxtooyada ay hadda joogaan guriga Sheekh Nuur Maxamed oo aa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya. Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay dhinacyada la eedeeyay.
Saraakiisha Madaxtooyada iyo qaar ka mida wasiirada ayaa isu bedelay awood lagu dhaco shacabka iyo ganacsatada, iyadoo xilligan ay sii kordhayaan kiisaska lugaha la galaya Madaxtooyada Soomaaliya ee noocan oo kale ah.
HOOS KA DAAWO