Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Haweeney Soomaalida Kenya ah iyo Arday taariikh ka dhigay Doorashada Kenya [Sawirro]

    Haweeney Soomaalida Kenya ah iyo Arday taariikh ka dhigay Doorashada Kenya [Sawirro]

    August 10, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo natiijada Doorashada dalka Kenya ay iska soo daba dhaceyso ayaa waxaa arrimaha cusub ka mida haweeneydii ugu horeysay ee laga doortay Waqooyi Bari iyo Arday noqday xildhibaan.

    John Paul Mwirigi oo ah 23 sano jir ah, isla markaana dhigta Kulliyadda WaxbarashadaJ aamacadda Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashada kursi Xildhibaannimo ee degaanka Igembe South.

    John ayaa helay 18,867 cod, isagoo ka adkaaday musharraxa Xisbiga Jubilee Rufus Miriti oo isna helay 15,411 cod. Ardaygan ayaa la sheegay inuusan olole doorasho ah sameynin, isagoo aan awoodin qarashka ololaha doorashada, laakiin wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag, wuxuuna lugtiisa ku tegay guri kasta si uu cod uga helo.

    Dhinaca kale taariikh kale waxaa dhigtay  Safiya Cabdi Nuur ayaa noqotay haweenaydii ugu horraysay oo kasoo jeeda Waqooyi bari Kenya oo ka mid noqota Baaralamaanka iyadoo ka adkaatay ninkii ugu dhowaa ee la tartamayay.

    Safiya oo ka tirsan xisbiga PDR ayaa laga soo doortay deegaanka Ijaara ee ismaamulka Gaarisa, waxayna tartan adag la gashay Axmed Ibraahim Cabaas oo kula tartamayay kursiga xildhibaanimo. Waxayna heshay 6,0001 cod halka Axmedna uu helay 5705 cod.

    Waa markii ugu horaysay tan iyo markii Kenya xorriyadeeda heshay oo haweeney kasoo jeeda Waqooyi bari ay xil intaas le’eg ku guulaysato.

    Kursiga ay ku guulaysatay Safiya Cabdi ayaa waxaa ku loolamayay musharixiin kale oo ka tirsan axsaabta kala duwan ee Kenya.

    Safiya Cabdi ayaa horay u aas-aastay hay’ad u dooda xuquuqda haweenka oo la yiraahdo ‘Womenkind Kenya’, taasi oo dhiiri gelisa waxbarshada gabdhaha iyo arrimaha kale ee haweenka la xiriira.

    Haweenaydan ayaan ku cusbayn siyaasadda, waxaana 2007-dii xisbiga mucaaradka ee ODM uu u magcaabay xildhibaan aan lasoo dooran oo kamid ah aqalka baarlamaanka.

    Muddo dheer oo ay soo ahayd macalimad, ayay sidoo kale wakhti badan gelisay sidii ay ugu dagaalami lahayd xuquuqda haweenka Waqooyi bari Kenya, waxayna safka hore kaga jirtay ka hortaga dhaqamada wax u dhima dumarka sida gudniinka fircooniga ah.

    Mr John Paul Mwirigi, who was been declared

    Safiya Cabdi Nuur olole adag ayay gashay si ay kursigan ugu guuleysto

    Sophia Abdi Noor has become the first woman in

    John Paul Mwirigi Kenya Kenya Election Safio Abdi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWaqooyiga Kuuriya oo shaacisay xilliga duqeyn doonto Jasiirada Mareykanka ee GUAM
    Next Article Wasiir Yuusuf Garaad oo Mooshin laga geeyay Baarlamaanka [Akhri qodobadda lagu heysto]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo