Hayladda Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay xaaska mid kamida saraakiisha Ajaanibta Al-Shabaab oo Muqdisho ka waday olole abaabulka caruurta ah.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Leyla Cumar Baaruud ayaa u dhaxda sarkaal Alshabaab ka tirsan oo Itoobiyaan aha, waxayna Sirdoonka Soomaaliya sheegeen inay ku raadjoogeen muddo shan bilood ah oo ay ku dhumaaleysaneysay degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaa la sheegay in Leyla ay Alshabaab u qaabilsaneyd abaabulka Carruurta iyo ku xiritaanka Alshabaab, iyadoo Dugsi xifdinta Qur’aanka lagu barto ku lahaan jirtay Jubbada Hoose.
Leyla ayaa saaka lagu qabtay xilli degmada Cabdicasiis xilli ay rabtay ay gaari BL ah ka raacdo. Waa hooyada dhashay laba carruur ah, waxayna ku sii jeeday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo uu ku sugan yahay saygeeda.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com