Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Haweeneyda ugu weyn Qaxootiga Caalamka oo la joojiyay in laga masaafuriyo Sweden [Sawirro]

    Haweeneyda ugu weyn Qaxootiga Caalamka oo la joojiyay in laga masaafuriyo Sweden [Sawirro]

    October 6, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Haweeney 106-sano jir ah ayaa BBC-da u sheegtay in ay “ku faraxsan tahay” go’aanka maxkamadeed ee lagu joojiyay in laga musaafuriyo dalka Sweden.

    Khalbibi Uzbeki, waa qof waayeel ah oo aan sariirta ka kicin, arageeduna aad ayuu daciif u yhay. Waxaa la aaminsan yahay in ay tahay qofkii ugu waynaa ee megengelyo laga siiyo qaaradda Yurub.

    “Ma aadi lahayn Afghanistan, amniga ma wanaagsana, kamana helayo adeegga caafimaadka ee aan u baahanahay,” ayey tiri. Maxkamadda arrimaha socdaalka ayaa sheegtay in go’aanka ay ku salaysay xaalad bini-aadamnimo.

    “.. Waxay noqonaysaa argagax haddii lagu qasbo in ay dalkeeda dib ugu noqoto,” ayey tiri maxkamadda ku taalla magaalada Gothenburg. Go’aanka wuxuu meesha ka saaray, dalabkeedii megengelyo doonka ee la diiday bishii May ee sanadkan.

    Khalbibi Uzbeki waxay Yurub gashay 2015-kii. Waxaa buuraha dushooda iyo kaymaha soo mariyay wiilkeeda iyo nin ay ayeeyo u tahay, sida ay baahisay AP.

    Sikastaba, xubnaha kale ee qoyska ayaa weli sugaya in la aqbalo codsigooda megengelyada, sida uu sheegay Maxamed Uzbeki oo ayeeyo ay u tahay, oo BBC-da la hadlay.

    “Dhammaanteen aad baan ugu faraxsannahay go’aanka, balse waxay ka mid tahay 12 qof oo kale oo qoyska ah. keligeed ayaana go’aan fiican heshay. 11-ka kale weli waxba maysan helin, qaar waa loo diiday, kuwana weli lama tixgelin”, ayuu yiri Maxamed Uzbeki.

    Maxkamadda socdaalka ee Gothenburg waxay go’aanka ku saleysay da’da Uzbeki, caafimaadkeeda iyo “sida ay u nugushahay”.

    Go’aanka wuxuu dhigayaa in Khalbibi Uzbeki ay haysato sharci deganaansho oo 13 bilood ah, ka dibna waxay weydiisan kartaa in loo kordhiyo.

    Guddiga arrimaha socdaalka ee Sweden muusan ka hadlin kiisaska shaqsiyadeed, balse wuxuu sheegay “in da’da guud aysan noqon karin sababta qof lagu siiyo megengelyo,” sida uu baahiyay wargeyska Svenska Dagbladet.

    Waaxda ayaa sidoo kale ku dooday in dagaalka Afghanistan uusan gaarsiisneyn “heer qof kasta lagu siiyo deganaanshaha Sweden”.

    Dalka Sweden wuxuu soo dhoweeyay 160,000 oo qof oo badankoodu ka yimaadeen Bariga Dhexe iyo Afghanistan, sanadkii 2015-kii.

    Markaa ka dib wuxuu soo rogay xannibaado dhanka megengelyada ah. Sanadkii tagay ee 2016-kii waxaa gaaray Sweden 30,000 oo qaxooti ah.

    Khalbibi Uzbeki

     

    Seeking shelter: Uzbeki has been named the 'world's oldest refugee' by international media

    Turkiga oo qaadanaya Haweeney 106 sano jir Qaxooti ah oo laga masaafurinayo Sweden [Sawirro]

    Afghanistan Khalbibi Uzbeki Sweden
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDab baab’iyay Suuqa ugu wayn ee lagu iibiyo Dharka Huudheyda [Sawirro]
    Next Article Muxuu isu casilay Safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz..? [Akhriso sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo