Iyadoo aan weli xal loo helin go’aankii maxkamadda sare ee Soomaaliya ku laashay sharcinimada 8 ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa laga cabsi qabaa inay isku dhacaan labada hay’adood oo ka mida kuwa ugu sareeya awoodda dalka.
Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inay sharci darro ahayd qaabkii doorashada 8 kursi oo ay ku soo baxeen xildhibaano ka mida Golaha Shacabka, waxaana xaaladda sii adkeeyay in xildhibaanadaasi ay doorteen madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana kalsooni siiyeen xukuumadda.
Xaaladda Maxkamadda Sare iyo Baarlamaanka ka dhex taagan ayaa ah arrin cusub oo aan muddooyinkan dhex marin labadan hay’adood. Haddii Baarlamaanku diido go’aanka Maxkamadda Sare, waxay iyaguna noqon doontaa xaalad kale oo cusub, iyadoo ay sharci ahaan ahayd inaan laga doodin go’aan maxkamadeed oo sidiisa loo qaato.
Xildhinaabada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka hadlaya Go’aankii Maxkamadda sare ku amartay in dib loo soo doorto 8-kursi xildhibaan oo ka mida Golaha Shacabka. Waxayna xildhibaano badan ka cabsi qabaan haddii xildhibaanadan dib loo celiyo inay qaar kale saameyn ku yeelato.
Xildhibaanada la isku heysto ee la laalay xubinnimadooda Golaha Shacabka waxay kala yihiin:
1. C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir
2. Maxamed Saciid Cabdullahi
3. Maxamed Axmed Abdtidoon
4. Nadif Aadan Isaaq
5. Muna Khalif Sheekh Abu (Muna Kay)
6. Cabdicasis Salax Carmaan
7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
8. Samra Ibrahim Cumar