Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa beenisay war ku saabsan in garoonka Muqdisho laga ceiyay, loona diiday inay dalka soo galaan Macalimiin Masaari ah.
War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka ayaa lagu yiri: “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan..”
Hay’adda Socdaalka ayaa caddeysays in Warka iyo sawirrada laga baahiyay arrintan ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.
Wararka la faafiyey ayaa ku saabsanaa in dowladda Soomaaliya ay dalkugal u diiday Macalimiin u dhashay dalka Masar oo ka howlgala degaannada Puntland.