[alert color=”D71B1B”]QORSHE AWOOD LAGU MEEL MARINAYO MOOSHINKA LAGA KEENAY RA’IISAL WASAARAHA[/alert]
Wadani.com ayaa ka war heshay qorshe qarsoodi ah oo lagu doonayo in lagu qabto shir uu Baarlamaanka Soomaaliya yeelan doono dhowaan si looga doodo codka kalsoonidana loogu qaado mooshinka muranka badan dhaliyay ee laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Qorshahan oo uu soo diyaariyay madaxweynaha kana dhaadhiciyay guddoomiyaha Baarlamaanka kadib kulan dhex maray maalintii Talaadadii labada nin oo qura kaasoo ka dhacay xarunta madaxtooyada. Kulankaas oo bilowday aroornimadii salaadii subax kadib ayaa qaadatay in ka badan 5 saacadood, waxayan labada nin ku heshiiyeen in si awood ah loo meel mariyo mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumadda kulanka 4-aad ee lagu wado inuu dhaco Sabtida soo socota ee 29-ka Bishan.
[ot-caption title=”MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARALMAANKA” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2014/11/hassan-jawaari.jpg”]
Ilo diblomaasiyadeed oo u waramay Wadani.com ayaa ka soo xigtay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu soo gabagabeyn doono mooshinka laga keenay ra’iisal wasaaraha inta ka dhiman bishan November ugu danbeyn, laguna kala bixi doono isagoo aan sheegin qaabka uu doonayo inuu u maareeyo khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka, tiiyoo uu yaalo go’aankiisii ahaa inana mooshinka la soo celin ilaa laga xaliyo khilaafka. Waxaana la sheegay inuu ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha inuu soo afjaray rajadi i waanwaan laga galo arrinta.
Baaritaan ay sameysay mareegtan Wadani.com ayaa lagu ogaaday in heshiiska dhex maray guddoomiyaha Baarlmaanka iyo madaxweynaha uu salka ku hayo arrimaha soo socda:
- Ciidamo amaan oo gaara la keeno Baarlamaanka, ayna tallaabo ka qaadaan xildhibaanada ugu cadcad ee taageersan Ra’iisal wasaaraha. Tallaabooyinkaas waxaa ka mida in loo diido inay gudaha u galaan Baarlamaanka.
- In Xildhibaanada ay u suuragasho ina gudaha shirka galaan ee isku daya inay buuq sameeyeen dibadda loo saaro. Haddii ay isku dayaan inay iska caabiyaanna awood loo adeegsado.
- In dooda mooshinka aad loo soo gaabiyo, si degdeg ahna codka kalsoonida loo qaado, looguna dhawaaqo in kalsoonida ay waysay xukuumadda Ra’iisal wasaare C/weli.
- In isla galabnimadaas uu madaxweynaha ku dhawaaqo inuu aqbalay go’aanka Baarlamaanka, soona magacaabi doono Ra’iisal wasaare cusub iyadoo loo mahadcelinayo Ra’iisal wasaarihii hore.
Si qorshahah loo xaqiijiyo ayay xogtu sheegeysaa in xilka laga qaadayo taliyaha ciidamada Baarlamaanka iyadoo loo magacaabo taliye cusub oo isku dhow yihiin madaxweynaha.
Qorshahan ayaa yimid kadib markii kooxda madaxweynaha ay heshay in ka badan 20 xildhibaan oo kasoo wareegay xildhibaanadii taageersanaa Ra’iisal wasaaraha. Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Beesha Digil & Mirifle ayaa ahaa kuwii ku kacsanaa Shariif Xasan ee taageersanaa Lixda Gobol, waxaana lagu soo xero geliyay qorshe kale oo loogu balanqaaday jagooyin uu ka mid yahay Taliyaha Booliska, wasiirada xukuumadda cusub ee la magacaabi doono iyo wixii ka soo hara jagada madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo wuxuu u muuqdaa inqilaab lagula wareegayo awoodii Baarlamaanka, halka taageerayaasha madaxweynaha ay ku doodayaan in loo baahday tallaabo adag si meesha looga saaro in koox yar ay qas iyo qeylo ku heysato Baarlamaanka Federaalka. Waxaase cad in dhaawac weyn uu gaari doono kalsoonidii dowladnimo.
Wadani.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]