Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa mar qura xilligii ugu danbeeyay u wareegay dhinaca madaxweynaha ee dadaalka adag ugu jira inay ridaan Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumadiisa.
Xildhibaanno ka badan 20 xildhibaan oo kasoo jeeda Beesha Digil & Mirifle ayaa ahaa kuwii ku kacsanaa Shariif Xasan ee taageersanaa Lixda Gobol, waxaana lagu soo xero geliyay qorshe ay soo diyaariyeen kooxda madaxweynaha oo ay ka kaashadeen xildhibaanad Fawsiyo Maxamed Sheekh.
Qorshahan ayaa ka sokow dhaqaale waxaa kaloo loo adeegsaday balanqaad jagooyin uu ka mid yahay Taliyaha Booliska, wasiirada xukuumadda cusub ee la magacaabi doono iyo wixii ka soo hara jagada madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan ee Koonfur Galbeed Somalia ee dhowaan la magacaabi doono.
Xildhibaanadan oo ay ka mid yihiin: Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kale ayaa heshiiska ay ugu soo wareegeen kooxda madaxweynaha waxaa lagu soo khatimay shir ay madaxtooyada kula yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud habeenkii Isniintii 24-ka November.
Arrintan waxay ka dhigan tahay in xildhibaanada taageeraya Ra’iisal wasaaraha ay waayeen qeyb muhiim ah oo xisaabtooda ku jirtay, iyadoo aysan iminka ay soo yaraanayaan fursadaha u furan si ay ku baajiyaan mooshinka ka yaala Ra’iisal wasaaraha oo kaliya ay u soo hartay inay joojiyaan mooshinka.
Goobjooge.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]