Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bixineysa qeyb ka mida mushaarka ciidamada Soomaaliya. kadib heshiis maanta labada dowladood ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho oo dowladda Imaaraadka Carabta taageero dhaqaale ku siineyso ciidamada milateriga Soomaaliya oo dhowaanahan ay heysatay mushaar la’aan.
Heshiiska waxaa labada dowladood u kala saxiixay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo safiirka Imaaraadka carabta ee Soomaaliya Maxamed Alcusmaani. Abaanduulaha Ciidmada xoogga dalka Soomaaliya Cali Baashi Maxamed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiiskan oo wax weyn ka tari doona in ciidamada ay helaan mushaar joogto ah.
Safiirka Imaaraadka carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dowladiisa ay billaabayso mushaar siinta ciidamada xoogga dalka, xiliga soo socda. “Imaaraadka carabta waxay sii wadi doontaa, taageerada ay siinayso ciidamada Soomaaliyeed, Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, sidaa darteed waan garab taagannahay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay inay in muddo ah laga hadlayay in ciidamada mushaarkooda uu aad usoo daahay, taasoo sababtay in su’aalo badan la iska weydiiyo sida dhibkaasi looga bixi karo, annaga in muddo ah waxaan ka shaqeyneynay sidii aan xal ugu heli mushaaraadka ciidamada, waxaa nasiib wanaag ah Imaaraadka carabta ay naga kaalmeyso arrintan” ayuu yiri wasiirka oo si weyn ugu mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta.
Wadani.com