Nin u dhashay dalka Hindiya oo la weysaa muddo 40 sano ah ayaa qoyskiisa la midoobay kaddib markii uu walaalkiis ka aqoonsaday muqaal lagu baahiyey baraha bulshada.
Khomdram Gambhir Singh ayaa la waayey isagoo 26 sano jir ah 1978-kii, waxa unna ku sugnaa gobolka Manipur. Qoyskiisa ayaa muddo toboneeyo sano ah baadigoob ugu jiray.
Waxa ay ka daawadeen muqaal laga duubay isagoo jidadka Mumbai ku qaadaya heesooyin hindi ah oo 3,300km u jirta gobolka ay ku nool yihiin qoyskiisa. Booliska ayaa billaabay badigoobkiisa ,waxaana dib loogu soo celiyey gobolka Manipur maalintii qamiista ahayd.
“Ma aanan rumeysanin markii mid ah ilmaha aan adeerka u ahay uu muqaalkan I tusay. Waan ka rajo beelnay inaan arki doonno asagoo nool.”ayuu yiri walaalka Mr Singh oo lagu magacaabo Kulachandra.
Booliska Manipur ayaa Mr Singh ka dhex raadiyey magaalada Mumbai oo uu ku noolaa muddo 30 sano ah. Qoyska ninkaan ayaa aaminnay in laga yaabo inuu ku noolyahay Mumbai maxaa yeelay muqaalka ayaa waxaa duubay Firoz Shakri oo ka soo jeeda Mumbai.
Waxaa laga yaaba inuu lacag qaabkan ku raadsanaayo,wuxuuna ku heesaa kana tuugsadaa jidadka caasimadda”ayuu Shakir ku yiri wakaaladda wararka ee AFP.
Waxaa booliska Mumbai loo soo diray sawirka ninkan, iyagoo ugu dambayna ku guulaystay hellitaanka ninkan. “Waxaan ka helnay banaanka boosteejada tareenka .wuxuuna ku sugnaa xaalad xun”ayuu BBCda ku yiri Pandit Thakaray
Waxaa uu sidoo kale sheegay Mr Singh uu ku yiri inuu ahaan jiray sargaal ka tirsan xoogga dalka Hindiya uuna ka soo tagay guriigisa 1978 kii billooyin ka dib markii uu guursaday, maxaa yeelay kuma uusan faraxsanayn nooloshaas ,waxa uu soo aaday Mumbai oo uu ku noolaa muddo dheer asagoo marna tuuksanjiray marna xamaali ahaan ku shaqaysan jiray.
Ka dib markii ay booliska heshay ninkan waxay sawirkiisa u direen Imphal. “Waxa aan qayskiisa kula xiriirnay qadka telefonka waxaa uuna la hadlay walaalkiis ka yar”
Booliska Mumbai ayaa barta twitter-ka ooga dabaaldagay markii uu qoykiisa la midoobay Mr Singh.