Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Hirshabeelle Dr Cabdihakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa magacaabay 15 xubnood oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannadan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Feysal AxmedWeli Xasan, waana guddi doorasho kii ugu tiro badnaa ilaa iyo hadda oo Baarlamaannada maamul Goboleedyada u magacaabaan Doorashada Xubnaha Aqalka Sare.
Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay ka dhaco Doorashada Aqalka Sare maalmaha soo socda, kadib markii la xaliyey khilaaf ka dhex taagnaa Guddiga Doorashada.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda shaaciyo liiska musharixiinta Aqalka Sare ee ku tartamaya 8-da Senator ee laga soo doorto Hirshabeele.

HOOS KA AKHRISO
