Maamulka Hirshabelle ayaa ayaa si buuxda u taageeray baaqii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/llaahi ee shir looga hadlo Doorashada Soomaaliya oo ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo dhoweeyay Baaqa kao baxay Guddia Joogtada ah ee Aqalka Sare, waxaana lagu tilmaamay feker saliim ah.
Hirdhabeelle ayaa noqoneysa Maamul Goboleedkii saddexaad ee taageera baaqa Aqalka Sare ee ah in heshiis raali laga wada yahay laga gaaro qaabka ay doorashada u dhaceyso. waxaana hore u taageeray Puntalnd iyo Jubbaland.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
