Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa shaacisay in horjooge ka tirsan Alshabaab lagu soo qabtay howlgallo ay ciidanku ka sameeyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Horjoogahan oo aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayay hotel ku yaalla suuqa Bakaaraha.
[ad name=”HTML-2″]
Afhayeenka wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadaan howgallada ay ku raadinayaan kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab. iyadoo sidoo kale la qabtay dad ku dhow 10 ruux oo hotelka horjoogaha laga soo xiray ku sugnaa.
Hotelka lagu qabtay horjoogaha ka tirsan Alshabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Kismaayo 2, waxaana goobtaasi booqday Taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Maxamud Tuuryare oo amar ku bixiyay in dowladdu la wareegtay labada hotel ee Kismaayo 1 iyo Kismaayo 2 oo hore la sheegay in looga qabtay xubno ka tirsan Alshabaab.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]