Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,qeybta 60-aad ee Guutada 8-aad, kana howlgala Gobollada Bay iyo Bakool.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Aadan Shiniyow Ibraahim ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha Sre ee Al-Shabaab u qaabilsaana dhanka waxa ay ugu yeeraan Jabhada oo ay ciidamada howlgallada.
Horjooge Aadan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Al-Shabaab 10-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna ka soo howlgalay gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool, isagoo ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobollada Gedo iyo Hiiraan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in si dhaw uu ula shaqeyn jiray horjoogayaal ay kamid yihiin Afhayeenka kooxda Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Wuxuu warbaahinta us heegay waxyaabihii ku qasbay inuu ka baxo Alshabaab iyo sidii uu markii dambe ugu qancay inay Alshabaab falalkooda yihiin kuwa ka horjeeda Islaamnimada.
