Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada Amniga oo la sheegay in lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada oo isu diyaarineysa caleemo-saarka dib u dhaca ku yimid ee Axmed Madoobe.
Ciidamo badan ayaa la dhigay magaalada, waxaana baaritaan ka socdaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, waxaana si weyn loo adkeeyay magaalada Kismaayo, iyadoo wararka magaalada laga helayo ay sheegayaan in caleemo saarka madaxweynaha dib loo doortay ee muranka ka taagan yahay Axmed Maxamed Islaam.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay isu diyaarinayaan inay tagaan magaalada Kismaayo, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Lama oga in dowladda Federaalka Somalia ay mar kale hor istaagi doonto madaxweynayaasha iyo xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka iyo inay