Wararka laga helay magaalada Washignton ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in muddo kooban oo daqiiqado ah la joojiyey howlihii ka socday Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka oo xafiiska u ah madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.
Arrintan ayaa ka dambeysan kadib markii xeyndaabka hawada ku xeeran Aqalka Cad oo ay mamnuuc tahay inay diyaaraduhu maraan ay gashay Diyaarad aan la aqoonsan, taasoo keenay xaalad degdeg oo ay galeen saraakiisha amniga Aqalka Cad, waxaana xayiraad lagu soo rogay aqalka Cad, iyadoo la diiday inay dadka ku jira ka baxaan ama kuwo cusub galaan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la qaaday xaaladii, dibna loo soo celiyey dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee Aqalka Cad iyo howlihiisii.