Hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda bani’aadamka iyo xorriyadda saxaafadda ee Human Rights Watch (HRW), Amnesty International iyo Committee to Protect Journalists (CPJ) ayaa qoraal toos ah oo furay u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraalka ayaa si faahfaahsan uga hadlaya xaaladda xoriyadda saxaafadda iyo dhibatooyinka ay wajahayaan saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeeya xaaladda adag ee dalka, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin hadallo dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo oo ku saabsanaa in qaar ka mida weriyeyaasha ay xiriir la leeyihiin Alshabaab.
Xeerka saxaafadda ee ayey sheegeen inay ku jiraan qodobo halis ku ah xoriyadda saxaafadda oo keeni kara in saxafiyiinta loo raacdo dembiyo ciqaabeed, taaso ka hor imaaneysa ballanqaadkii Madaxweyne Famaajo ee hore, kuna saabsanaa inaan saxafiyiinta loo adeegsan Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Human Rights Watch (HRW), Amnesty International iyo Committee to Protect Journalists (CPJ) waxay ugu baaqeen Madaxweyne Farmaajo inkastoo waqtigiisu yar yahay haddana inuu dib u eegis u dirto qodobada Xeerka Saxaafadda ku jira ee ka hor imaanaya xoriyadda saxaafadda iyo xeerarka caalmiga ah.
Waxay kaloo soo jeediyey tallooyin ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xoriyadda saxaafadda, loona damaanad qaadi lahaa amniga saxafiyiinta oo ay ku jirto inay hay’adaha garsoorka joojiyaan maxkamadeynta saxafiyiinta iyo denbi ka dhigista shaqada saxaafadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA