Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Iibinta Buugaagta cusub ee Manhajka Dowladda oo isu bedelay Ganacsiga ugu weyn Koonfurta Somaliya (Warbixin)

    Iibinta Buugaagta cusub ee Manhajka Dowladda oo isu bedelay Ganacsiga ugu weyn Koonfurta Somaliya (Warbixin)

    September 15, 2020Updated:September 20, 20203 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iibka Buugaagta manhajka cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa sanad dugsiyeedka cusub ee 2020/2021 noqday ganacsi aad u weyn oo xaami ka noqday bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya dhaqan gelisay manhajkan.

    Ganacsigan malaayiinta Doolar ku kacaya ayaa loo xiray shirkadda gaarka loo leeyahay ee Daabacaadda Beder oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho, iyadoo qaabka heshiiskan lagu siiyey aanu kala caddeyn, balse uu ku koobnaa Wasiirkii hore ee waxbarasada C/raxmaan oo dhaqan gelin waayey Manhajka intiisa badan, balse waxaa la wareegay Wasiirka Waxbarashada ee hadda xilka sii haya C/llaahi Goodax Barre.

    Wadani.net waxay ogaatay in Heshiiska lagu bixiyey daabacadda Manhajka Dowladda aan wax tartan ah loo gelin, isla markaana sicirka lagu iibinayo uu ahaa mid ay isla garteen labada dhinac. Ganacsatada leh Madbacadda Beder (Beder Printing) ayaa dadaal iyo galaangal ay la galeen madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku guuleystay in ganacsigan faa’iidada badan loo xiro.

    Ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada oo ku saabsan qaabka buugaagtan u heli karaan ardayda marka laga reebo inuu Wasiiir Goodax warbaahinta ka sheegay in ardayda saboolka ah la siinayo Buugaagta iyo in Buuggii lagu iibinayo $2.

    Dowladda Soomaaliya ayaa September 2018 buugaagtan u qeybisay 24 dugsi oo ay la wareegtay, halkaasoo uu manhajkan cusub ka daah furay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa cusub in dugsiyada Dhexe iyo Sare ay sanadkan waajib uga dhigtay Wasaaradda inay dhaqan geliyaan.

    Markii uu furmay sanad dugsiyeedka cusub oo ay dowladda waajib ka dhigtay in Manhajka cusub lagu dhigo Dugsiyada Hoose ilaa Sare waxaa lagu yaacay Buugaagtii cusbeyd ee Manhajka dowladda, waxayna Shirkaddii daabacday ee Beder u dejisay qiimahan soo socda:

    Waxaa shaxda kore ka cad in ardaygii dhigta Dugsiga Sare uu buugaagtiisa oo dhan ku iibsan karo ($30) buugiina uu ku qiimeysan yahay $2.5, qiimahaas oo ka badan midkii uu shaaciyey Wasiir Goodax ee ahaa $2. Intaas oo kaliya maahee waxaa soo shaac baxday in qiimihii uu gaaray $3.5 ilaa $4.

    Waxaa gebi ahaan la daabicin oo la waayey Buugga ‘Business’-ka ee dugsiyada sare, waxaa kaloo aan la helin maadadda ‘History’ ee English-ka ku qoran, iyadoo ay suuqa ku yaraadeen Buugaagta dugsiyada Sare oo qiime sare la iibinayo, halkii arday wuxuu buugaagta ku heli karaa $40 iyo ka badan.

    Shirkadda Buugaagta daabacday ayaa soo bandhigtay qiime dhimis ay ku sameysay buugaagta Dugsiyada Sare muddo 10 maalmood ah, iyadoo ku iibineysa $24, laakiin arrintaas ayaa shaqeyn weyday.

    Buugaagtan ayaa lagu daabacaa dalka dibadiisa, waxaana dalka loo keenaa sida badeeco oo kale iyagoo ku jira Konteenarro, iyadoo kharashka daabaacadda aanu gelin gudaha dalka, halka dowladii hore ay Manhajka ku daabici jirtay Madbacadii Qaranka, ardayduna si bilaash ah loo siin jiray.

    Qaar ka mida maamulayaasha iyo Waalidiinta ayaa noo sheegay inaysan Ardaydu awoodin iibsiga Buugaagtan cusub, siiba kuwa Dugsiyada Sare, taas bedelkeedna ay bilaabeen inay Sabuurada u saaran ardayda casharrada oo halkaas kasii qortaan.

    LA SOCO WARBIXINNO KU SAABSAN KA GANACSIGA MANHAJKA DOWLADDA

    GOOBJOOGE.NET

    Buugaagta Manhajka Dowladda Ka-ganacsiga Manhajka Dowladda Madbacadad Beder Manhajka Dowladda Top Wasaaradda Waxbarashada Wasiir Goodax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa ku qarsoon Xilal-isu-dhiibka Shaqaalihii Xafiiska Madaxweynaha (C/risaaq Caato iyo Cabdi-Nuur)..?
    Next Article Qarax Miino oo Dad u badnaa Culimo lagu laayey Duleedka Magaalada Xudur (Faahfaahin)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo