Maamulka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa cirka ku shareeray xiisad ka dhaxeysa dalalka Iiraan iyo Marekaynka, iyadoo cunaqabateyn ku soo rogay dalka Iiraan oo dhowaan tijaabisay gantaal balastic ah.
Waaxda maaliyadda Maraykanka ayaa shaacisay xayiraad lagu soo rogay 13 qof iyo tobanaan shirkadood oo Iiraan laga leeyahay, waxaana ka horeeyay ereyo hanjabaad ah oo uu soo qoray Donald Trump.
Trump ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray maana hadal u dhignaa: ”Iiraan dab iyo holac ayey ku ciyaareysaa, kama faa’iideysan naxariistii Obama, anigu sidaa ma samyn doono”.
Iiraan ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay cunaqabateynta Mareykanka, waxayna sheegtay in mid la mida ay ku soo rogeyso dadka iyo shirkadaha Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Jawaz Tarif ayaa sheegay inaysan Iiraan dagaal bilaabi doonin, balse ay awood u leedahay inay jawaab ka bixiso ciddii ku so gardaroota.
Xaaladda ayaa cirka isku shareertay, waxaana tallaabadan ay qeyb ka tahay falal is xigtay oo madaxweynaha cusub oo Mareykanka ku dhaqaaqay, kuwaasoo xaaladda dunida wax ka bedelay isla markaana abuuray khalkhal cusub.
Wakaalado