Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay inuu ka tegay shirka maamul u samaeynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo dowladda Federaalka ay wejigiisii labaad ka furtay dhowaan magaalada Jowhar.
Imaamka ayaa la sheegay inuu arrimo caafimaad u aaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo la sheegay inuu dhowr bilood ku nasan doono iskuna baxnaanin doono Nairobi, taasoo culeys weyn ku keentay qorhihii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in dedegdeg loo dhiso maamulka labada gobol.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku sugan shirka Jowhar isagoo wakiil ka ah Imaamka, waxayna warar kala duwan sheegayaan in Imaamka uu saluugay sida xaaladda shirku u socoto, isla markaana uu door biday inuu su farsameysan uga tago, kana qeyb noqon qorshahaasi oo beel badan diidan yihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaciisa dadaal ugu jira inuu Imaamka dib u soo celiyo Magaalada Jowhar si uu qeyb uga noqdo dadaalkiisav.
Wadani.com