Duubabka beesha uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa Gurigiisa ku booqday, kadib markii shalay loo diiday inuu u socdaalo magaalada Kismaayo.
Imaamka beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam iyo Ugaaska Maxamuud Cali Ugaas oo gurigiisa ku booqdaty Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmeen ayaa u muujiyey sida ay uga xun yihiin falkii ka dhcay Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo u muujiyey inay garab taagan yihiin.
Odayaasha ayaa sheegay inay dhex geli doonaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayna xal u raadin doonaan dhibaatadda ka dhalatay arrintan.
Guriga Sheekh Shariif ee u dhow Garoonka Muqdisho ayaa noqday xarun ay ku ururaan siyaasiyiin iyo dadweyne fara badan oo dano kala duwan halkaasi u tegay, waxaana sidoo kale buux dhaafiyey saxafiyiinta magaalada.