Xalay xilli danbe waxaa ilaa 7 xarumood oo ay ku jiraan hoteelo iyo Guryo ku yaaal magaalada Muqdisho ka socday qeybin lacag la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka.
Musharixiinta lacagaha bixiyay ayaa fara badanaa, waxaana mid waliba uu la soo shir tegay qiime ka duwan kan kale, iyadoo inta badan ay isku dhowaayeen.
HOOS KA AKHRI MUSHARAXA IYO LACAGAHA UU BIXIYAY:
1- Maxamed C/llaahi Farmaajo [$30,000]
2- Xasan Sheekh Maxamuud [$50,000]
3- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke [$30,000]
4- Caddow Cali Gees [30,000 – 40,000]
5- Siciid C/llaahi Dani [$20,000 ilaa $30,000]
6- C/qaadir Cosoble Cali [$20,000 ilaa $30,000]
Lacagahan ayaa musharax waliba si ku soo galay, waxaana ka mida qaar ay bixiyeen dowlado carbeed, ganacsato iyo qaaraan la soo ururiyay.
Lama oga sida lacagaha la siiyay xildhibaanada labada aqal ay saameyn ugu yeelan karto codeynta, iyadoo qofka codeynaya aanu jirin si loo ogaan karo inuu u codeeyay musharaxiin uu lacagta ka qaatay, waxaa kaloo jira in musharaxiin badan ay dhowr musharax lacag ka qaateen.
Wadani.com