Tirada dadka Cudurka Covid-19 ugu dhintay dalka Mareykanka ayaa sare u dhaaftay 100,000 ruux, iyadoo dalkaasi uu noqday kan ugu weyn dunida ee uu halakeeyay cudurkani.
In ka yar 4 bilood ayuu Mareykanku ku noqday dalka ugu weyn ee caalamka ay dadkiisu sidaan cudurka, waxaana Covid-19 qaba gudaha Mareykanka dad ka badan 1.7 Milyan oo ruux iyadoo lagu eedeeynayo maamulka Madaxweyne Trump inuu ku fashilmay la-tacaalidda Cudurkan.
Guud ahaan wuxuu cudurka Coronavirus soo ritay 5.6 milyan oo ruux, wuxuuna dilay dad ka badan 354,900 qof, waxayna dadkaasi in ku dhow 3 meelood hal meel ay ku dhinteen dalka Mareykanka.
Daraasad ay sameysay jaamacadda Columbia oo ku taalla magaalada New York waxay sheegtay haddii uu maamulka Madaxweyne Trump uu xilliga ku haboon tallaabboyin xakameyn ah qaadan lahaa inay dhimashadu ka badateen. 36,000.
Cudurka Covid-19 ayaa muddooyinkii danbe salka dhigtay dalalka Latin America, waxaana kaalinta labaad ee dadka sida cudurkan degdeg u soo gashay dalka Brazil, iyadoo Ruushka kala wareegtay kaalintaasi oo laftiisa si lama filaan ah sare ugu kaceen dadka qaba cudurkani.
In cudurka Coronavirus uu dad gaaraya 100-kun oo Doolar ku dilo Mareykanka waxay ka dhigan tahay inuu laayey in ka badan dadkii Mareykanka ugu dhintay dagaaladii Labada Kuuriya, Vietnam iyo weerarradii 2011.