Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»In ka badan 10 Mas’uul oo 3 Bilood gudahood Qaraxyo Nooc cusub ah lagula beegsaday Muqdisho (Warbixin)

    In ka badan 10 Mas’uul oo 3 Bilood gudahood Qaraxyo Nooc cusub ah lagula beegsaday Muqdisho (Warbixin)

    February 10, 2021Updated:February 15, 20214 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo xaaladda Amniga caasimadda Muqdisho ay sii xumaatay muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa si aan hore loo arag u kordhay Miinooyinka la dhigo wadooyinka ee lala beegsanayo Mas’uuliyiinta, saraakiisha dowlada iyo shaqsiyaad gaara.

    Dhammaan Qaraxyada Miinada ee Muqdisho ka dhacay waxay ahayeen kuwo ka xoog badan kuwii hore, isla markaana si toos ay qabsaday bart-tilmaameedyadii loogu talogalay, inkastoo qasaaraha dhimashadu yaraan, haddan mas’uuliyiinta la beegsaday waxay intooda badan ku badbaadeen si dirqi ah, halka qaar kalena ku dhaawacmeen.

    Waxaan halkan kusoo koobeynaa Qaraxyadii Miinada ee lagu beegsaday mas’uuliyiin kala duwan intii u dhaxeysay Novembar 2020 ilaa Janaayo 2020, iyadoo aan ka bilaabi doono hal qarax oo dhacay Oktoobar 2020.

    20 Oktoobar 2020: Waxaa Qarax miino ka badbaaday Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aaden Koofi, iyadoo lala beegaday Gaari uu la socday meel u dhow Isgoyska KM 4, isagoo markaas ka baxay Hotelk Afrik, agaasime Koofi ayaa ka badbaaday Qaraxa. (Warkan)

    5 Novembar 2020: Waxaa iska Isgoyska KM 4 lagu qarxiyey Gaariga Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Durraan Axmed Faarax, wasiirka ayaa ka badbaadiyay laakiin ilaaladiisa ayaa qasaare kasoo gaaray. (Akhriso)

    7 Novembar 2020: Waxaa Qarax miino oo loo dhigay ka badbaaday Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mida Senatoorada Aqalka sare ee Baarlamaanka.

    12 Novembar 2020: Waxaa Wadadda 21 Oktoobar lagu qarxiyey Guddoomiyihii Degmada Hododon C/xakiin oo ku dhaawacmay qaraxa, kadibna xaalad caafimaad u aaday Turkiga isgaooo markii uu Muqdsho kusoo laabtay ay toogasho ku dlee cidamada dowladda. (Halkan ka akhriso)

    28 November 2020: Waxaa Qarax miino lala beegsaday Agaasimaha Dekadda Muqdisho Axmed Washington xilli uu gaarigiisa mareyay agagaarka Isgoyska Mariinada, balse waa ka badbaaday, waxaana qasaare soo gaaray ilaaladiisa.

    7 Janaayo 2021: Qarax Miino ayaa magaalada Muqdisho lagula beegsaday Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaalyeed Mahad Cabdiraxmaan. Qaraxa oo ka dhacay agagaarka isgoyska KM 4, waxaa ku dhintay ilaalada Taliyaha, iyadoo uu ka badbaaday Taliyaha.

    20 Janaayo 2021: Waxaa Qarax Miino loo dhigay Gaariga Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Maxamed C/llaahi Cariif oo ka badbaaday qaraxa.

    23 Janaayo 2021: Nabadoon iyo xildhibaan hore Muxyadiin Xasan Aafrax iyo xildhibaan hore Xuseen Carraale Caddaan ayaa Gaariay wateen Miino lagu qarxiyey Jidka Beyxaani dhinaca degmada Kaaraan, waxaana ku dhintay ilaaladoodii, iyadoo uu ku dhaawacmay Xuseen Carraalle, waxayna ahayd markii labaad Qarax Miino lala beegsado Muxyadiin Xasan Afrax.

    19 Janaayo 2021: Waxaa degaanka Garasbaaley ee Muqdisho Qarax Miino lagu qaaday Gaari ay wateen mas’uuliyiin ka tirsan degaankaasi, waxaana ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarrada degaakaasi C/rashiid Dubbad.

    5 Janaayo 2020: Waxa Qarax miino lala beegaday Gaariga Afhayeenka ciidamada Booliska Sadiq Dodishe oo xilligaasi aan la socon Gaariga qaraxa haleelay.

    Alshabaab waxay mudaddaan dhexdeeda qaraxyo ka badan 4 oo isugu jira is-miidaamin iyo Miinooyin ku qaadeen shaqaalaha Turkiga iyo Soomaalida ee dhisaya Jidka Afgooye iyo Muqdisho .

    Marka laga soo tago qaraxyada Miinada ee loo dhigay mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka Alshabaab waxay Muqdisho ka fulisay qaraxyo is-miidaamin ah iyo kuwo khaarijin ah, waxaana sidoo kale si joogto ah Gobollada dalka uga dhacay qaraxyo kala duwan oo lagu beegsaday mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan sida Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug, Sh/Dhexe, Bay, Bakool Jubbooyinka iyo Gedo.

    Qaraxyada waaweyn ee is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay xilligan waxaa ka mid ahaa:

    27 Novembar 2020: Waxay Alshabaab Qarax is-miidaamin ah ka fulisay Baarka Jalaatada laga cuno ee (Gelato Divino) oo u dhow Garoonka Muqdisho, iyadoo dad badan ay ku dhinteen. (Faahfaahin)

    31 Janaayo 2021: Alshabaab waxay weerar is-miidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen Hotelka Afrik ee u dhow isgoyska KM 4, waxaana lagu dilay 10 qof oo uu ku jiro Jen. Maxamed Nur Galaal

    Qaraxyada ka baxsan Muqdisho waxaa ugu waaweynaa:

    18 Disembar 2020: Qarax is-miidaamin ah ahaa ka dhacay Garoonka C/llaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo xilli uu kusiis ocday Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ku dhinteen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Milatariga iyo Danab. (Akhriso)

    17 Janaayo 2021: Waxaa qarax xoog leh lala beegsaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Sh/Hoose C/qaadir Nuur Siidi oo ka badbaaday qaraxa. (Halkan ka akhri)

    7 Febraayo 2021: Taliyihii NISA iyo 10 askari oo la socday ayaa lagu dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb, kadib miino xoog leh oo lagu qarxiyey.

    Qaraxyada is-daba joogga. ahee ka dhacay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Amniga, siiba agagaarka Isgoyska KM 4, waxay caddeyn u yihiin inuu sii xumaaday amnigii caasimadda Muqdisho, xilli aysan jirin isla xisaabtan oo lagu mashquulsan yahay loolan siyaasadeed iyo khilaaf hareeyay xaaladda kala guur ah.

    GOOBJOOGE

    Alshabab Muqdisho Qarax Qarax miino Warbixin Qaraxyada Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Guddoomiye Mursal oo ballanqaadyo siiyey xildhibaannada Mucaaradka iyo xaaladda khudbadda Rooble
    Next Article Maxamed Xuseen Rooble: “Qofna lagama aqbalayo inuu isku dayo khalkhal gelinta Amniga..” DAAWO

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo