Dowladda Ingiriiska ayaa ku biirtay dowladaha u digay musharixiinta Soomaalida ee heysta dhalashada dalkeeda inay ku kacaan musuqmaasuqa Doorashada Soomaaliya.
Safiirka UK ee Soomaaliya Harriett Mathews ayaa qoraal ay ku dartay war uu soo saaray xafiiska Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku sheegtay in Sharciga Ingiriiska ee la-dagaalanka Laaluushka uu qabanayo muwaadiniintooda ka qayb qaadanaya Doorashooyinka dibadda ka ah dalka Ingiriiska.
Digniinta Ingiriiska ayaa ka daba timid farriin kulul oo safaaradda Mareykanka soo dirtay taasoo loogu sheegay mushariixiinta ku kaca laaluushka inuu qaban doono sharciga Mareykanka u yaalla.
The UK Bribery Act also applies to British Nationals overseas. https://t.co/pWSU00YJcS
— Harriet Mathews (@HarrietLMathews) December 28, 2016
Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay falal isugu jira adeegsi musuq, awood, handadaad iyo gacan-ka-hadal sida ay sheegeen wakiilada beesha caalamka.
Wadani.com