Haweeney lagu magacaabo Harriet Mathews OBE ayaa boqorada Ingiriiska u soo loo magacawday safiirka cusub ee dowlada UK u qaabilsanaan doona Soomaaliya, iyadoo bedelaysaa Neil Wigan oo ah safiirkii hore ee Muqdisho u joogay UK tan iyo intii safaaradda Ingiriiska laga furay Muqdisho.
Safiirada cusub ayaa si rasmi ah shaqadeeda ula wareegi doonta bisha June ee soo socota. Waxayna wasaarada arrimaha dibadda dalkaasi ku biirtay 1997-dii, iyadoo xilligan madax ka aheyd Waaxda la dagaalanka cudurka Ebola. Ms Mathews waxay aqoon u leedahay arimaha Afrika ayaa waxaa ay ka soo shaqeysay Qaaradda Afrikaoo madax ay ka noqotay xafiisyada Bariga iyo galbeedka Afrika ee dowladda UK.
[ad name=”HTML-3″]
Waxay kaloo dalkeena ugasoo shaqeysay xafiiska arrimaha dibadda ee UK wadamada ay kamid yihiin Brazil, Israel and Afghanistan. “Waan ku faraxsanahay in la ii magacaabo safiirka UK ee Soomaaliya,waxaan u shaqeyn doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ingiriiska”ayay tiri safiirada cusub.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]