Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Isbaheysi cusub oo ay sameysteen Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Xog cusub)

    Isbaheysi cusub oo ay sameysteen Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Xog cusub)

    November 2, 2014Updated:December 16, 20143 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo dagaal siyaasadeed uga furan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay helay fursad uu kula bahoobay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxaamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo xaalad halis ah ka soo food saartay qorshaha maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kana socda magaalada Baydhaba.

    ISBAHEYSIGA CUSUB EE RA'IISAL WASAARAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA ILAA INTEE SII JIRI KARAA?
    ISBAHEYSIGA CUSUB EE RA’IISAL WASAARAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA ILAA INTEE SII JIRI KARAA?

    Madaxweynaha ayaa watay qorshe ah in shirka dib uga furmay Baydhaba degdeg loo soo gabagabeeyo, ergada shirkana ay doortaan madaxweyne KMG ah oo loo diyaariyay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka. Qorshaha madaxweynaha oo u qarsoonaa ee xilligii ugu danbeeyay ayuu ka war helay guddoomiyaha Baarlamanka Md. Jawaari oo si weyn u diidan Shariif Xasan.

    Ra’iisal wasaare C/weli ayaa fashiliyay qorshaha madaxweynaha ee ahaa in ergada shirka Baydhaba ay doortaan madaxweyne, isagoo dib u dhigay furitaankii shirka, taasina waxay keentay inay culeys ku keento qorshihii Madaxweynaha iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Shirka oo furmi lahaa 25-ka Oktobar ayaa dib loogu dhigay amar ka yimid ra’iisal wasaaraha oo heshiis la ah guddoomiyaha Baarlamaanka si looga hortago qorshaha in shirkaasi degdeg madaxweyne loogu doorto Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Wadahadalo ay galeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kadib madaxweynuhu ku oglaaday qorshaha Jawaari ee ah in ergada shirka Baydhaba aanay dooran madaxweynaha, balse ay ansixiyaan Dastuur, kadibna soo xulaan Baarlamaan, kaasoo kadib dooran doona madaxweyne uu yeesho maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Taasina waxay keentay inuu madaxweynuhu dib ka furo shirka.

    Dhinaca kale Prof. Jawaari ayaa u muuqda inuu ka faa’iideystay safarrada badan ee madaxweynaha iyo kusimaha uu yahay isagoo si la yaab leh u ayiday qorshe kale oo Ra’iisal wasaare C/weli ay ku heshiiyeen inay ku hakiyaan shirka  maamul u sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhaba ka socda, wuxuuna si buuxda u taageeray hakinta shirka iyo u yeerista Guddiga shirka wada inay wadatashi u yimadaan Muqdisho oo ahayd arrin ay isla ogaayeen Gudddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha, laguna soo saaray wareegto ka soo baxday shalay xafiiska Ra’iisal wasaaraha (Kasoo rogo halkan) [download id=”632″]

    HOOS KA DAAWO AYIDAADDA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA  EE GO’AANKA RA’IISAL WASAARAHA

    [ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=_pCaraRH_i0″]

    Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa isbaheysiga uu la galay ra’iisal wasaaraha uu yahay mid aan istiraatiiji ahayn oo ku saleysan arrimo dano siyaasadeed  oo degdeg ah, laakiin waxaa cad inay labada nin aad isugu baahan yihiin si mid waliba uga guuleysto caddowgiisa waqtiga dhow.

     

    Wadani Info

    Muqdisho Somalia

    [ad name=”HTML”]

    C/weli Isbaheysi Jawaari
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFadeexad ka dhacday laaluush la siiyay xidhibaanada saxiixaya mooshinka laga diyaarinayo Ra’iisal wasaare C/weli
    Next Article Madaxweynaha oo amar ku bixiyay inuu socdo shirka Baydhaba & shaqsiga Madaxweynaha loo wado

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xasan Kheyre oo soo saaray dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo