Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan isbitaallo cusub oo magaalada Muqdisho loo diyaarinayo inay qaabilaan bukaannada uu soo rito cudurka Coronavirus ee tiradooda sii kordheyso.
Qeyb ka mida Isbitaalka Banaadir ayaa lagu wadaa qalabeyn iyo diyaarin, taasoo qaadi doonta ilaa 200 sariirood oo loogu talogalay bukaannada uu soo rito Covid-19, waxaa kaloo la qorsheeyay in qeyb ka mida isbitaalka Yirdameli lagula tacaalo cudurka Coronvirus haddii xaaladu sii xumaato oo baahi badan ay timaado, sida uu sheegay madaxa dowladda Soomaaliya u qaabilsan talo-bixinta cudurkan Dr. Maxamed Maxamud Cali (Dr. Fuje).
Wuxuu intaas ku daray in Isbitaalka Martiini si weyn loo qalabeeyay, isla markaana lagu diyaariyey dhaqaatiir iyo qalabkii loo baahnaa oo la isugu geeyay wixii ay dowladda Soomaaliya heysay, iyadoo sidoo kale ay howlgashay xarunta xiriirka Covid-19 oo bixineysa tallooyinka caafimaad, gargaarka degga ah iyo aasidda meydadka.
Arrintan ayaa imaaneysa xili si weyn loogu dhaliiyey dowladda Federaalka jawaabka ay ka bixisay cudurka Coronavirus iyo addeegga caafimaad ee yaalla Isbitaalka Martiini oo la sheegay in isbedel lagu sameeyay.