Hal askari ayaa lagu dilay, laba qof oo kalena waa lagu dhaawacay iska hor imaad hubeysan oo ka dhacay xuduudka Jabuuti iyo maamulka Somaliland, waxaana labada qof ee dhaawacantay ka mida askari.
Guddoomiyaha gobolka Salal ee Somaliland Farxaan Xasan Cabdi ayaa sheegay in ciidamada Badda ee dalka Jabuuti ay ka soo xad-gudbeen xuduudka biyaha ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti, kadibna ay rasaas ku fureen markab laga leeyahay dalka Masar oo ka kalluumaysanayay Badda dhinaca Somaliland.
Kabtanka markabka Masar ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rasaasta la is weydaarsaday, waxayna Somaliland ku doodeysaa inays ruqsad siisay Markabka reer Masar.
Wax war ah kama soo bixin dowladda Jabuuti, waxayna wararku sheegayaan in labada dhinac u bilowday wadahadal ku saabsan sida wax u dhaceen, iyadoo ay tahay shilkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo degaankaasi ka dhaca.
Wadani.com