Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ay Itoobiya saami ku yeelaneyso Dekadda weyn ee konteenarrada ee Dooraale.
Heshiiskan ayaa ka danbeeyay wadahadal dalka Jabuuti ku dhex maray Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo booqahadiisii ugu horeysay ku tegay Jabuuti.
Labada dal ayaa isku afgartay in Itoobiya ay saami ku yeelato Dekadda Dooraale, sidoo kalena sharikadaha Ganacsiga Itoobiya ay maalgashi ku sameeyaan Dekadda. Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA ayaa baahisay in Abiy Ahmed iyo Ismaciil Cumar Geelle ay wada saxiixdeen heshiiska.
Labo bilood ka hor dowladda Jabuuti ayaa baabi’isay heshiiskii ay kula jirtay Shirkadda DP World ee Imaaraadka, balse DP world ayaa dacwad arrintan ka geysay Maxkamad ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Dhinaca kale Itoobiya ayaa saami dhan 19% ku leh heshiis DP World ka shaqeysay oo ku sabasan Dekadda Berbera ee Somaliland.