Dowladda Itoobiya ayaa safiir cusub iyo ergey gaara oo u qaabilsan Soomaaliya soo magacawday iyadoo la bedeley safiirkii hore ee u fadhiyay magaalada Muqdisho.
Safiirka cusub ayaa loo magacaabay Jamaauldiin Mustafa Cumar oo hore u ahaa safiir ku xigeenka Itoobiya ee magaalada Muqdisho fadhiya.
Jamaaludiin ayaa ah Shaqsi kasoo jeeda degaanka Soomaalida Itoobiya, waana mas’uulkii ugu horeeyay ee asalkiisu Soomaali yahay oo Itoobiya ay u magacawdo safiirkeeda Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay dib u eegeysto siyaasadeeda Soomaaliya, kadib doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wadani.com