Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta ay xabsiga ka sii daayaan maxaabiis kor u dhaafaysa 1500.
Maxaabiistan ayaa lagu sii deynayaa Xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga oo ah magaalo madaxda gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxaa ka mid ah maxaaabiista la siidaynayo kuwa arrimo siyaasadeed u xirnaa.
Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in maxaabiista maanta lagu wado in la sii daayo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan jabhadda ONLF. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda dhexe ee Itoobiya ay dhawaan xabsiga Addis Ababa ka sii daysay maxaabiis u xirxirnaa dhanka siyaasadda.
Waxaa la xaqiijiyey in maxaabiista la sii deynayo aanu ka mid ahayn sarkaalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo aan ka mid ahayn maxaabiista ku xiran Xabsiga Jigjiga.
Dalka Itoobiya saddexdii sano ee ugu dambaysay waxaa ka socday dibadbaxyo qaarkood rabshado watay oo looga so horjeedo dowladda. Dibadbaxaydan oo intooda badan ka dhacay gobolada Amxaarada iyo Oramada ayaa waxaa lagu dalbanayay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaaale.
Maalmo ka hor ayay dowladda Itoobiya soo rogtay xaalad deg deg ah oo socon doonto muddo lix bilood ah.