Ururka Jaamacadda Carabta ayaa afar gadiidka gurmadka degdegga ah ee Ambulance ugu deeqay maamulka Gobolka Banaadir.
Gaadiidkan ayuu maamulka G/Banaadir kula wareegay dekadda magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo bandhigay xarunta maamulka ee degmada Xamarweyne, iyadoo qoraal kasoo baxay guddoomiye C/raxmaan Yariisow uu sheegay inay maamulkiisa dadka Muqdisho u keeneen gaadiidka.
“Maamulka G/Banaadir oo 4 gaadiidka Gurmadka degdega ah ee Ambulaasyo u keenay si shacabka loogu adeego. Waxaa naga go’an garab istaaga shacabka si Caasimada Muqdisho ay u hormarto..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiye Yariisow oo aan xusin in gaadiidkaasi uu yahay deeq ka timid Jaamacadda Carabta.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA








![Jaamacadda Carabta oo 4 Gaadiidka Gurmadka ugu deeqday maamulka G/Banadir [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2019/04/Ambulance-GB.jpg)