Dalka Jabuuti ayaa noqday dalka ugu horeeya dalalka Bariga iyo Geeska Afrika ee ay ku sugan yihiin tirada ugu bada dadka uu soo ritay Cudurka Covid-19.
Wasaaradda caafimaadka dalka Jabuuti ayaa shaacisay maanta la diiwan-galiyey 156 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka Coronavirus 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii cudurka laga baaray 494 qof oo reer Jabuuti ah.
Waa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka Jabuuti laga diiwaan-geliyo, waxanaa tirada guud ee dadka cudurkan ku dhacay ee dalka Jabuuti ay gaartay 591 qof, waxaana cudurka ka bogsooday 73 qof oo ka mida, halka ay u geeriyoodeen laba qof.
Kenya oo ku soo xigta waxaa cudurka qaba ilaa iyo hadda 234 qof, Itoobiya wuxuu cudurka soo ritay 92, halka Soomaaliya ay mareyso 80 ruux.