Wararka laga helayo Gobolk Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamo uu wato Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ay tageen magaalada Marko, iyagoo qeybta ay ku sugnaayeen Alshabaab kala wareegay.
Jen. Caanood iyo ciidamada uu wato ayaa galay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo sheegay inay gebi ahaan la wareegeen magaalada, halka ay kooxdii Alshabaab ka baxeen magaalada iyadoo tegay duleedka, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Alshabaab sheegtay inay Qaraxyo miinooyin ah u dhigtay ciidamada dowladda, ayna halkaasi ku dishay ilaa 10 askri, balse ma jirto cid xaqiijisay arrintaasi, waxaase magaalada laga maqlay rasaas waqti kooban socotay markii ay galeen ciidamada uu watay Gen. Caanood.