Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay weerarkii shalay maleeshiyaadka Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ciidamada dawladda ee Awdheegle iyo Bariirre.
Wareysi uu siiyey Idaacadda VOA ayuu ku sheegay inay isugu jireen qaraxyo iyo weerar ay toos ah ku qaadeen ciidamada Dwladda ee u diyaarsanaa weerarka, wuxuuna sheegay Taliye Odowaa inay ciidamada dowladda guulo ka gaareen dagaaladda, laguna dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab.
“Aw-dheegle oo kaliya 100 maleeshiyo ka badan ayaa looga dilay Alshabaab, qiyaasna ma aha ee la dul tegay, waana lasoo bandhigayaa..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage.
Wuxuu qiray in ciidamada dowladda ay dagaalladaasi uga dhinteen 14 Askari, ayna jiraan dhaawacyo kale.
DHAGEYSO WAREYSIGA