Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Jooji Dhiigbaxa Caasimadda [Qormadii Yusuf Garad]

    Jooji Dhiigbaxa Caasimadda [Qormadii Yusuf Garad]

    March 3, 2019Updated:March 3, 20192 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    An ambulance arrives at the scene of an explosion at the gate of Wehliya Hotel in Somalia's capital Mogadishu, July 10, 2015. REUTERS/Feisal Omar
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Marka laga soo tago xiriirkeenna caalamka iyo gaar ahaan kan mandiqadda aan ku naal, maalmihii na dhaafay waxaa dalkeenna ka dhacay dhowr fal oo murugo leh.

    Gaalkacyo, saqiir ayaa arxan darro lagula kacay welibana la dilay. Xog buuxda ayaan raadiyay aniga oo ka fikiraya sidii aan dareenkeyga u cabbiri lahaa. Waxaa ii wehliyay in aan helo haan aan wacyi ula wadaago inta laga yaabo in ay ku garaad tahay kuwii geystay fal dembiyeedkaas culus.

    Aniga oo aan labada midna dhammeys tirin ayaan akhriyay isla Gaalkacyo in gabar kale oo yar la la’ yahay.

    Sidee wax u jiraan ayaan weli is weydiiyaa.

    Waxaa xigay in aagga Lafoole lagu weeraray hooyooyin Soomaali ah. Dhowr ayaa la dilay ayaga oo gacanta ku haya howl u dhexeysa ummadda Soomaaliyeed.

    Dembiga ay dil ku muteysteen wuxuu noqday in ay nadiifiyaan waddooyinka ay ummadda wadaagto si ay quud uga soo saaraan, bulshaduna ay uga badbaaddo cudurro, uguna korto foolxumo la noolaan.

    Waxaa sida ku rajoobay intii ay dhaleen.

    Murugada taxanaha ah waxaa u dambeyay weerarkii qaraxa iyo rasaasta lahaa ee waddada Maka. Soomaali badan ayaa naftoodu ku waayay qaar ka badanna dhaawac ayaa ka soo gaaray.

    Dembigoodu wuxuu ahaa maxaad u nooshahay, Muqdishana u joogtaa?

    Xilligaan oo kale, waa markii ay shacabka iyo Dowladdu isu soo dhowaan lahaayeen, iskaashan lahaayeen, muujinna lahaayeen in aan loo dulqaadaneyn siqiir suujinta ka dhacday Gaalkacyo ee sharciga la marsiinayo intii geysatay.

    Waana xilligii qof kasta oo isku daya in uu mustaqbalka na horkeeno dembiga sidaa u culusna loo sii ballanqaado in uu ka shallaayi doono.

    Sidoo kale waa xilligii ficil ahaan loo muujin lahaa in weerarrada arxan darrada ah ee aan looga turayn shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa awgood aynaan is dhiibi doonin.

    Taas macnaheedu ma ahan in aan la is weydiin su’aalo adag oo runta ka warqaba, la xisaabtamin oo aan la gaarin i tus oo i taabsii.

    Garashadu waa in ay na bartaa in sidii hore ay shaqeyn la’dahay oo loo baahan yahay hab hadda joojin kara, dooneyana in uu joojiyo, dhiigbaxa caasimadda.

    W/Q: Yusuf Garad
    Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Somalia

    Muqdisho Yusuf Garad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Farmaajo oo Aqoonsigii Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ingiriiska [Sawirro]
    Next Article Ilhaan Cumar oo lagu qaaday Weerar islaam-naceyb ah [Daawo Sawirro laga sameeyay..]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo