Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Puntland & Jubbaland oo ku baaqay shir degdeg oo Muqdisho ka dhacaya, kana digay in la gaaro 8 Febraayo, iyadoon…

    Puntland & Jubbaland oo ku baaqay shir degdeg oo Muqdisho ka dhacaya, kana digay in la gaaro 8 Febraayo, iyadoon…

    January 28, 2021Updated:January 28, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku baaqayaan in shir degdeg ah oo la isugu yimaado si xal loogu helo caqabadaha hortaagan Doorashada 2021.

    War saxaafadeedka kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu caddeeyay in wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey James Swan uu door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira in marka hore Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada Doorashada si ay qeyb uga noqoto qabsoomida shir lagu wadatashi oo si guud loogu xalliyo dhammaan qodobada lagu muransan yahay.

    Sidoo kale Puntland iyo Jubbaland ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada in shir degdeg ah la isugu yimaado magaalada Muqdisho 30 bisha Janaayo, si loogu xalliyo caqabadaha hortaagan Doorashada dalka.

    Puntland iyo Jubbaland oo waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka in gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8-da February 2021, iyadoo heshiis laga gaarin Doorashada.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    WAR-MURTIYEED WADAJIR AH: DOWLADAHA PUNTLAND IYO JUBBALAND EE XUBNAHA KA AH DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOOMAALIYA.

    January 27, 2021

    Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

    Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowladda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maamulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

    Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacyadii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somaliland iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo.

    Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sababay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dareen ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey.

    Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay. Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

    Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tixgalinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka cago jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

    Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Puntland iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasadeed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

    Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

    Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada.

    DHAMMAAD

    Doorashada Jubbaland Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiyiin caan ah si kulul u dhaliilay Eedeynta Dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti & Siyaasadda Farmajo
    Next Article AKHRISO: Liiska Magacyada Guddiga Doorashada Maamul Goboleedka Puntland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo