Maamulka Koonfur Galbeed ayaa iska fogeeyay inuu ka danbeeyay fashil la sheegay inuu ku yimid wadahadal u socday wakiilada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo lagu doonayey in kulan isugu yimaadaan labada dhinac.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in wararkaas la fidiyey aysan waxba ka jirin, ayna weli wadahadallada, iyadoo ku dooday inay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada wadahadallada labada dhinac ee ku saabsan doorashooyinka dalka.
Waxaa dhowaan soo baxay in Koonfur Galbeed wakiiladii ka socday ay ka shaqeeyeen sidii loo fashilin lahaa kulamadii wadatashiga ee lagu go’aamin lahaa shir ay yeeshaan madxda Dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada, iyadoo qorshahaas ay ka danbeysay Madaxtooyada Soomaaliya.

