Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Kacdoon cusub iyo Bannaanbaxyo ku sii fidiya dalka Tunisia & Dowladda oo digniin soo saartay

    Kacdoon cusub iyo Bannaanbaxyo ku sii fidiya dalka Tunisia & Dowladda oo digniin soo saartay

    January 11, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Bannaanbaxyo looga soo horjeedo siyaasadda dhaqaalaha ee dowladda Tunisia ayaa ku sii fidiya dalkaasi oo ahaa dalka kaliya ee ka badbaaday burbur markii kacdoonka Gu’ga carabta xilka looga tuuray kelitaliyihii hore Zeyn Alcaabidiin Bin Cali.

    Ra’iisul Wasaaraha waddanka Tuuniisiya, Yuusuf Shaahid, ayaa cambaareeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay saameeyay ku dhawaad 20 magaalo oo waddankaasi ku yaal.

    Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aanan la aqbali karin, waxa uu sheegay in kuwo qaswadayaal ah ay isku dayayaan inay curyaamiyaan qaranka.

    Magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah halkaas oo Isniintii uu ku dhintay qof dibadbax sameynayay, ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhacayeen habeenkii saddexaad oo xiriir ah booliskuna waxa ay dadkaasi la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

    Dadka dibadbaxaya ayaa dalbanaya in lasoo afjaro gunti-giijiska dhaqaale Dadka dibadbaxaya ayaa dalbanaya in lasoo afjaro gunti-giijiska dhaqaale

    Dibadbaxyada cusub ee habeenkii la qabtay ayaa ka dhacay oo kaliya magaalooyinka Tuunis iyo Dhabirbah hasayeeshee magaalooyin kale ayaa waxa ay dadku gubeen taayiro sidoo kalana waxa ay tuurayeen bambooyin batrool laga sameeyay.

    Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray. Ra’iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.

    Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.

    Bisha Janaayo ayaa dibadbaxyadii ugu badnaa ay ka dhaceen Tuunisiya
     Bisha Janaayo ayaa dibadbaxyadii ugu badnaa ay ka dhaceen Tuunisiya

    Qaar ka mid ah dadka dibadbaxayay ayaa sheegay in aanayba u suuroobayn inay mushaarkooda ku noolaadaan maadaama qiimaha cuntada, shidaalka iyo alaabaha kalaba ay sare u kaceen.

    Iyadoo ay sii kordhayso carada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska.

    Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu’gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaaray dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo xooggan.

    Bannaanbax Caalamka Tunis Tunisia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSii-hayaha Agaasimaha NISA oo isu bedelay musharax u taagan xilka Agaasimaha Hay’adda [Daawo Bandhiggiisa]
    Next Article DHAGEYSO: Senator C/raxmaan Faroole oo Weerar siyaasadeedkii ugu weynaa ku qaaday C/weli Gaas

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo