Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeeyay kalfadhigiisii shanaad, iyadoo an la ansixiyay hindise sharciyeedkii Guddiga Doorashooyinka, lana soo saaray qaraar ku saabsan xawaaladaha Soomaaliya ee dhibaatada ku heysato Mareykanka, sidoo kale wuxuu baarlamaanku soo saaray in Afka Soomaaliya lagu dhaqmo ayna ku shaqeeyaan hay’addaha dowladda.
Shirkii maanta ee baarlamaanka ayaa cod loogu qaaday hindise sharciyeedka guddiga doorashada, waxaana 113 xidhibaan ay taageertay sharciga, halka 21 ay diiday, 10 kalena ka aamustay, sidaasina wuxuu guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo shirka guddoominayay ku dhawaaqay inuu ansax yahay sharciga.
[ad name=”HTML-2″]
Isla madasha shirka waxaa lagu dhaariyay laba ka mida Golaha wasiirada cusub oo kala ah:
1. Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/raxmaan Kulmiye
2. Cabdullahi Shiikh Cali (Qaloocow) Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa ku dhawaaqay inuu xirmay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka balse ay jiri doonto xaflad habeen danbe ka dhaceysa Villa Hargeysa oo lagu soo gunaanadayo howlihii kalfadhiyada 5-aad ee Baarlamaanka.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]