Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»KASHIFAAD: 3 Xaqiiqo oo ku Qarsoon Warbixintii Wasaaradda Amniga & Qarxintii xarunta Gobolka

    KASHIFAAD: 3 Xaqiiqo oo ku Qarsoon Warbixintii Wasaaradda Amniga & Qarxintii xarunta Gobolka

    August 9, 2019Updated:August 10, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa saaka Aroortii Salaadii subax ka hor shaacisay Warbixin hordhac ah oo ku saabsan Qaraxii 24-ka bishan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo sababtay inay ku dhintaan 9 mas’uul oo ka tirsanaa maamulka Gobolka iyo Guddoomiye C/raxmaan Yariisow.

    Warbixintan inkastoo aysan wax badan oo cusub soo kordhin, haddana waxay ahayd mid rasmi ah, waxayna caddeyn u tahay sida hay’adaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda aysan ugu diyaarsaneyn ka hortagga falalka argagixiso iyo xeeladaha Alshabaab adeegsato oo in badan soo noqnnoqday, wax cashar ahna aan laga baran, laakiin warbixintan waxay soo shaac bixisay xaqiiqooyinka soo socda:

    1- HOOS U DHACA SIRDOONA DOWLADDA SOOMAALIYA – NISA

    Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xilligan la fileyay inay horumar sameyso ayaa u muuqata mid hoos u dhac ku yimid intii uu talada qabtay madaxweyne Farmaajo, iyadoo hoggaanka Haya’daasi uu noqday mid siyaasadeed.

    NISA waxay ku guuldarreysatay inay isha ku heyso dhaqdhaqaaqyada Alshabaab oo awood u yeeshay inay tashkiiliyaan, isla markaana adeegsadaan xubno ka mida dowladda Somalia si u fuliyaan falal argagixiso oo gaaray is-miidaamin, waxayna ahayd ina NISA xilligan u diyaarsan tahay inay dhexda ka qabato falalkaasi, iyadoo adeegsaneysa inkaaniyaadka ay heysato.

    2- DAYACA AMNI EE XARUMAHA DOWLADDA

    Warbixinta Wasaaradda Amniga waxay kaloo si cad u muujisay inuu dayac weyni ka jiro xarumaha dowladda, iyadoo madaxda qaarkood ay awoodaan inay fududeeyaan ama dadka qaarkiid ka dhaafaan maritaanka baarista Amniga iyo dhaqangelinta waajibaadka amniga ee laga rabo dal ku jira dagaal argagixiso. Naxariista iyo nidaam ka cafinta dadka qaarkii waxay keentaa natiijo la mida qaraxii ugu danbeeyay ee xarunta Gobolka ka dhacay.

    3- KA-DABA-TAG IYO XISAABTAN LA’AAN

    Fal kasta oo argagixixo uxuu lugaha la galaa Dhinacyo kala duwan sida, Kuwii mas’uulka ka ahaam kuwii Fuliyey iyo Dadkii fududeeyay, labada hore midna lama gaaro waxay kala yihin horjoogayasha soo abaabulay iyo kuwa loo adeegsaday ee inta badan geeriyooda, laakiin dadka fududeeya ama mas’uuliyadooda ka seexda madax iyo ciidanba ma jiraan wax tallaabo ah oo laga qaado, taasoo keentay inaan wax horumar ah laga gaarin qaraxyada dhaca oo haddii laga hortegi waayey, haddana lagu dhiiran waayo in laga daba tago.

    GUNAANAD

    Qaraxii xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay wuxuu ahaa digniin kale oo Alshabaab u dirtay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaheeda Amniga, waxayna arkeen boogaha waaweyn ee ka muuqda nidaamkooda amniga iyo sirdoonka, laakiin lama hubo inay cashar ka baran doonaan ama ay wax ka bedeli doonaan qorshaha fashilan ee dhaliyey in si fudud loo qarxiyo xafiisyada amni ahaan ugu ilaalada badan magaalada Muqdisho.

    GOOBJOOGE

    Basiira Cabdi Maxamed G/Banadir Geerida Yariisow NISA Qaraxii G/banaadir Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/raxman C/shakuur: “Waxay ahayd in loo aargudo Eng. Yariisow ee ma ahayn in tacsi & Baroordiiq..”
    Next Article XOG: Basiira mise Maryan- Dhagartii ay maleegtay Indhooshii loo naxariistay. [Dhageyso Baarista]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo