Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»KASHIFAAD: Akhriso Saddex Qodob oo sababay inuu Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ku guuleysto Maxamed Mursal

    KASHIFAAD: Akhriso Saddex Qodob oo sababay inuu Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ku guuleysto Maxamed Mursal

    May 2, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib loolan adag oo dhex maray musharixii mucaaradka ee Ibraahim Isaaq Yarow.

    Guusha Wasiir Mursal ayaa inta badan loo aaneeyay inuu taageero ka heystay Madaxtooyada iyo xukuumadii uu ka midka ahaa oo shaki la’aan xilkan u soo sharxday, gadaalna ka riixayey, laakiin waxaa jira sababo kale oo keenay inuu xilkan sida weyn loogu loolamay ku soo baxo, waxayna kala yihiin:

    1- TAAGEERADA MADAXTOOYADA IYO XUKUUMADDA

    Waxay ahayd qodobka ugu weyn ee ay ku tiirsaneyd musharaxnimada Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo dadaal badan ay ku bixiyeen labada hay’adood inuu xilkan ku guuleysto, inkastoo aan dhaqaale loo adeegsan, haddana waxaa jiray balanqaadyo xilal iyo soo jiidashooyin kale.

    Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay taageerada kala noqdeen, xildhibaannadii taageersanaana kala wareegeen musharixiin kale oo uu ugu horeeyay Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) oo la filayay inu meel fiican soo gaaro, laakiin waxaa xusid mudan in xukuumadda ay ku fashilantay inay qanciso dhammaan Musharixiintii taageerada ku lahayd oo diiday inay taageeraan Musharax Mursal.

    2- SHAQASIYADDA MUSHARAX MURSAL

    Qodobka labaad ee Musharaxan taageeray waxaa ka mid ahaa shaqsiyadiisa iyo deganaanshihiisa siyaasadeed oo keentay inuu noqdo shaqsiga ugu degan ugu haboon xilka marka loo eego musharixiinta tartanka kula jiray.

    Wasiir Mursal wuxuu nasiib ku helay in musharaxiinta la tartamay kuwii ugu adkaa ay noqdeen saaxiibadiis ka midka ahaa xukuumadda, kuwaasoo marka loo eego uu kaga mudnaa xildhibaannada dhexdooda.

    3- MUCAARADKA OO WAAYAY MUSHARAX CULUS

    Fursadda kale ee Wasiir Mursal u suuragelisay inuu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo baxo ayaa ahayd iyadoo mucaaradka dowladda ee isugu jira kooxda Qabyo ee madaxweynihii hore iyo maamul goboleedka ay waawyeen musharax culus oo meel saari kara musharaxa Madaxtooyada iyo xukuumadda.

    Arrintaas waxay qasabtay in musharaxa mucaaradka uu noqdo Ibraahim Isaaq Yarow, inkastoo aanu dab yar shidin oo codad mararka qaarkood halis geliyay musharaxa dowladda uu la yimid, haddana waxay arrintani keentay in dhammaan musharixiintii kale sida C/casiis Lafta-gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo wareega labaad u soo gudbay ay taageeraan Musharaxa dowladda ee Wasiir Mursal.

    GABAGABO

    Dad badan ayaa aaminsan in doorashadii xilka guddoomiyaha Baarlamaanka loo doortay Maxamed Mursal ay dowladda Soomaaliya ka dhigtay mid dhinac u wada jeeda, ayna xilalkii sare ee dalka wada qabteen saaxiibo isku ujeedo ah, laakiin waxaa adkaan doonta in jid qura ay wada raacaan 2760ka xildhibaan ee Baarlamaanka oo haddaba ay soo shaac baxday inay 120 ka mida mucaarad ku yihiin dowladda Farmaajo iyo Kheyre, kuwasoo haddii ay helaan 20 kale awood u leh inay muddo kadib ridaan xukuumadda Kheyre.

     

    Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Mursal Top Wasiir Mursal
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare Kheyre oo kulan Gaara la yeeshay Madaxa Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda
    Next Article Dalalka deeqda bixiya oo Warbixin weji gabax ku ah Dowlada Somalia kasoo saaray shirkii Brussels (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo