Xildhibaanada wada mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa u diray baaq ah inuu xilka iska casilo.
Xildhibaan Sheekh Aadam Maxamed Nuur (Madoobe) oo ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay u furan tahay laba wado midkood oo ah inuu fagaare uga dhawaaqo is-casilaadiisa iyo Mooshinka sharci ah ee ka yaalla inuu sugo codka kalsoonida ah ee loo qaadaayo, maadaama uu ku dhacaayo Gudoonka tiro codad ah oo gaaraya 184 Xildhibaan.
Dhinaca kale xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari ay la gudboon tahay inuu xilka ka dego oo haddiiba mooshin laga keenay uu is garto oo xilka iska casilo.
Arrintan ayaa la sheegay inay tahay xeelad lagu doonayo in Guddoomiye Jawaari cadaadis lagu saro si uu xilka uga dego iyadoo aan cod loo qaadin ama mooshinkiisa laga doonin, waxaana cad in kooxda wada mooshinka guddoomiye Jawaari aysan heysan codad ku filan oo kalsoonida loogala noqon karo Guddoomiyaha Golaha Shacabka taasoo ah 184 Cod.
Baaqyada is-casilaadda Guddoomiye Jawaari ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono Guddoomiye Jawaari, iyadoo xildhibaannada taageersan ay ku filan yihiin ilaa xilligan inaan la helin codad ku filan xil ka qaadistiisa.